4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha dalka iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xilligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha dhaqaalaha loogana gudbo waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka dhaqaalaha dalka.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furiaanka shirkan ka sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa.

Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa si gaara diiradda u saareysa qodobbo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, hannaanka loo hirgalin karo, maalgahshiga dalka, la-dagaallanka musuq maasuqa iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]