3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Mashaariic horumarin ah oo laga fulinayo degmada Balcad

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hay'adda IOM ayaa iska kaashanaya mashaariic lagu horumarinayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Mashaariicda ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Isbitaalka guud ee degmada Balcad, Hool lagu qabto shirarka iyo garoon lagu ciyaaro kubadda cagta,iyadoo mashruuca ugu horreya ee la dhagaxdhigay uu ahaa garoonka lagu cayaaro kubadda cagta oo ay wada-jir u dhagaxdhigeen guddoomiyaha degmada Balcad,Qaasim Cali Nuur iyo qaar kamid ah Xildhibaannada  maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha degmada, ayaa uga mahadceliyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay'adda IOM mashaariicda ay ka fulinayaan degmada Balcad oo ka mid ah deegaannada muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/13/2018 12:38 PM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

11/13/2018 12:32 PM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanka Mooyaale oo ku dhaca xadka kala qeybiya Kenya iyo Itoobiya ku dhaxmaraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

11/13/2018 10:21 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) –Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa magacaabay wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeenno....

11/13/2018 9:07 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar lagu qaaday shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaddib markii koox hubeysan weerar ku qaadeen xili shaqaalaha ay ku soo jeedeen masjid ku yaala degmada Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howl-wadaag.

11/13/2018 7:10 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha salka iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka.

11/13/2018 6:52 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti,kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

11/13/2018 6:43 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Soomaaliland,Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay maamulka Soomaaliland in laga soo xiray waddanka Itoobiya oo wada shaqayn dhow ay lahaayeen.

11/13/2018 6:32 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zanenga ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfurgalbeed.

11/13/2018 6:15 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Isu soo bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidammada Puntland ku xukuntay dil toogasho ayaa maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

11/13/2018 5:39 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)–Hay’adda duulista hawadda Soomaaliyeed ayaa horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, iyadoo sharcigan muhiimada uu leeyahay uu ka hor aqriyay xildhibaannada Agaasimaha waxaada Duulista Hawada Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Xassan.

11/13/2018 3:47 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)-Sida Hiiraan Online uu u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya xarumaha ilaa 7 Wasaarraddood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen

11/13/2018 1:11 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) - Iyadoo Jimcihii aynu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo sababay dhimashada dad ka badan 50 ruux ayaa waxaa soo baxaya amarro la farayo taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada degmooyinka gobolka Banaadir.

11/13/2018 12:20 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku dhaxmaray xoogag ka wada tirnaa Al-shabaab sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.