4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Baarlamaanka oo la horgeeyey sharciga hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliyeed

 

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)–Hay’adda duulista hawadda Soomaaliyeed ayaa horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, iyadoo sharcigan muhiimada uu leeyahay uu ka hor aqriyay xildhibaannada Agaasimaha guud ee hay'adda waxaad Duulista hawada Soomaaliyeed  Axmed Macalin Xassan.

Agaasimaha ayaa sheegay in sharcigan uu wasaarradda uga dhiggan yahay si la mid ah Dastuurka dowladda Soomaaliya, madaama ayuu yiri ay adag tahay in la’aantii ay Wasaarradu shaqeyso.

Waxaa uu intaa ku daray in sharcigan ama xeerkan uu muhiim u yahay dalka wax badan oo hormar ahna laga gaari doono haddii golaha shacabka ay ansixiyaan.

‘’Sharcigan wuxuu muhiim u yahay ama lagu dhaqaa Garoomadda dalka, Amnigooda iyo adeega ay bixiyaan, Waxaa lagu dhaqaa sharcigan diyaaradaha, rakaabka iyo waliba xuquuqda ay leeyihiin, Waxaa kaloo uu muhiim u yahay oo lagu dhaqaa maritaanka hawadda iyo xudduudaha Soomaaliya, Waxaa kaloo sharcigan lagu dhaqaa dugsiyada lagu tababaro xirfad layaasha hay’adda duulista hawadda, Waxaa kaloo uu muhiim u yahay xarumaha lagu tayactiro agab-ka kala duwan ee hay’adda duulista hawadda’’ ayuu yiri mudane Axmed Macalin

Axmed Macalin Xassan ayaa sheegay in sharcigan uu soo bilaawday 1944kii markii uu aduunku kulmay, lana ogaaday muhiimada uu sharcigan leeyahay, isaga oo yiri’’ Sharcigan waxaa uu ka soo bilaawday markii la aasaasay hay’adda Qaramada Midoobey ee qaabilsan duulista rayidka ah ee lagu magacaabo ICAO, oo leysku afgartay in dal walba uu sameysto sharci ama dastuur uu ku dhaqo waax-yihiisa duulista, sidaa daraadeed annaga ka Soomaaliya ahaan muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay sharciga’’ ayuu yiri agaasimaha waxaada duulista .

Agaasimaha ayaa sheegay haddii aan la meelmarin sharcigan in ay adkaan doonto in muwaadiniinta Soomaaliyeed Wasaarraddu ku difaacdo gudaha suuqa socdaalka ee caalamiga ah, sidaa daraadeed xildhibaannadda baarlamaanka looga baahan yahay meelmarinta xeerkan.’’“Hindise sharciyeedkan waxa uu aas aas u yahay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed waa muhiim in si wadajir ah loogu shaqeeyo si caalamka aan ula tartan.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray shirkaddo heer caalami ah oo ka bilaabay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Duulimaadyo joogta ah, halka kuwa kalana ay daneynayaan in ay si toos ah duulimaadyadooda u keenaan magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]