4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2018
Xukuumadda Somaliland oo amar ka soo saartay hoteelada habeenkii xilliyada dambe lagu caweeyo

 

Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Xukuumada Somaliland ayaa maanta mamnuucday in xilliyada dambe hoteelada lagu caweeyo,isla markaana amar ku siisay taliyeyaasha magaalooyinka in aanay ogolaan in kow iyo tobanka habeenimo iyo konton miridh wixii ka dambeeya lagu caweeyo hoteeladda.

“Hoteelada waaweyn ee lagu caweeyo in aan xaflado lagu qabsan Karin wixii ka dambeeya kow iyo tobanka habeenimo iyo kanton miridh (11:50Pm), waxaan u sheegayaa inay mamnuuc ka tahay in lagu arko hoteelada lagu caweeyo xashiishado iyo khamri, dhamaan ciidanka booliska inay hawsha amarka ah laga bilabao caawa ay ka gutaan waajibkooda”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye.

Sidoo kale, waxa uu digniin u diray dhallinyarada habeenkii is laylaysa oo uu sheegay in kooxdii la qabto loo diri doono gobolada fog fog.

“Waxaan uga digayan dhallinyarta faashashka iyo midiyaha isku dilaya aan loo adkaysan doonin oo talaabo adag laga qaadi doonno, waxaan uga digayaa dhalinyarta la doonayo mustaqbalkooda in la dhiso ee ay iyagu is dilayaan in aan loo adkaysan Karin.”ayuu yidhi.

Hoteelada qaar ayaa habeenkii lagu caweeya oo laga soo dareera xilliyo dambo, waxaana lagu qabta bandhigyo heeso ah oo fanaaniintu ka heesaan, taas oo wixii 11:50 daqiiqo ka dambeeya la joojiyey caawa laga bilaabo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.