4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha roobab xalay ilaa maanta ka da’ayay Muqdisho

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) -Intala xaqiijinayo 6 ruux ayaa ku dhimtay tiro ka badan 300 oo gurina waxaa ka sameymay biyo fariisinno, kaddib roobab lixaad leh oo xalay ilaa maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada ilaa hadda la hayo gaarayaan Lix ruux sidoo kalana la sheegay in ay jiraan guryo ku dumay roobka.

Wuxuu sheegay in warka arintan ku saabsan uu la socdsiiyay madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, waxaana bilaabanaya sida uu hadalka u dhigay gurmad loo fidinayo dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Roobabkan ayaa maanta kala jaray gabi ahaanba isku socodkii magaalada, ma jirin dhaqdhaqaaq ganacsi dadweynuhuna waxaa ay u badnaayeen kuwo aan ka soo bixin guryahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]