4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Deeq la gaarsiiyay qoysaskii ku barakacay Fatahaada Beledweyne


Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyay ilaa 450 Qoys oo ka mid ah dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo Wabiga oo is biirsaday.

Guddoomiyaha Jaaliyada Hiiraan ee magaalada Nairobi Cabdiqaadir Sheekh Muumin iyo Maxamed Xassan Dalab oo loo soo wakiishay qeybitan deeqday ayaa qoyskiiba gaarsiiyay lacag dhan $ 50 dollar, madaama dhinaca kale marka la eego lagu guda-jiro bishii Ramadaan oo ay dadku gargaarka siweyn ugu baahan yihiin.

Qaar ka mid ah dadkii helay deeqday lacageed ayaa u mahad celiyay Jaaliyada iyaga oo sheegay in gargaarkan la soo gaarsiiyay waqti siweyn ugu baahnaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]