4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Cayaartooy Jarmal ah oo loo heysto kulan ay la qaateen Erdogan

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Labada cayaartooy ee kala ah Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jarmalka bal si ay sharxaad uga bixyaan kulan la sheegay in ay la yeesheen madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayib Erdogan.

Labada cayaartooy oo asal ahaa ka soo jeeda dalka Turkiga ayaa siweyn loogu eedeeyay kulanka ay la qaateen madaxweyne Erdogan gaar ahaan in ay taageero u muujiyeen madaxweynaha Turkiga ka hor doorashooyinka la filayo in ay dalkaa ka dhacaan.

Jarmalka ayaa Erdogan ku eedeeyay sida uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay.

Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay dalkiisa.

 

Labaduba waxaa ay ka tirsan yihiin xulka Qaranka, iyaga oo u diyaargaroobaya tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]