3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Duufaan iyo roobab is wata oo khasaare weyn ka geystay deegaanno ka tirsan Soomaaliya

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) –Roobabka iyo dableylaha is wata ee labadii cisho ee la dhaafay ku dhuftay deegaannada ku teedsan Gacanka Cadmeed gaar ahaan waqooyiga Soomaaliya ayaa sababay burburka guryo badan ,iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay .

Qaramad Midoobey ayaa sheegtay in roobabkan culus la filayo in ay ka sii socdaan xeebaha Somaliland iyo sidoo kale Puntland.

“Hay’adaha Bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda wax-yeelada duufaanta ka soo gaartay dadka ku nool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.

“Qiyaastii 35 guri,15 doomood oo yaryar ayaa ku burburay, waxaa sidoo kale ku dhintay ​​1,260 xoolo ah degmada Las-qoray” sidda ay sheegtay Hay’adda.

Puntland ayaa sheegtayy si loo fududeeyo iska warqabka dadka iyo maamulka la bilaabay in la adeegsado talleefoonnada gacanta oo dadka loogu dirayo fariimo la xiriira in ay ka fogaadaan dhulka godan iyo togagga ay biyuhu maraan si loo soo yareeyo khasaaraha nafeed ee ka dhalan kara duufaantan iyo roobabka wada socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/20/2018 2:06 PM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka soo yeerey dowladda Kenya oo sheegtay in ay Soomaaliya la leeyihiin wada xaajood la xiriira arinta Badda.

5/20/2018 12:18 PM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Intala xaqiijinayo 6 ruux ayaa ku dhimtay tiro ka badan 300 oo gurina waxaa ka sameymay biyo fariisinno, kaddib roobab lixaad leh oo xalay ilaa maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

5/20/2018 10:03 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay dhinteen 15 ruux kaddib roobab wata dabeylo xooggan oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka.

5/20/2018 9:08 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Faqi oo la hadlay Hiiraan ayaa sheegay in dhalinyaro maxaabiis ah lagala baxay xabsi ay maamusho dowladda dalka Liibiya oo lagu magacaabo Gariyan Shan maalmood ka hor.

5/20/2018 8:53 AM EST
Axad, May, 20 ,2018 (HOL)–Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ayaa maanta Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah ka dib markii uu xukunkii hore ee shanta sanno uu racfaan ka qaatay.

5/20/2018 7:39 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Ardeyda wax ka barata dugsiyada dhexe ee Jubbaland ayaa maanta u fariistay imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, ayadoo imtixaanaadka ay sanadkan markii ugu horeeysay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

5/20/2018 7:18 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyay ilaa 450 Qoys oo ka mid ah dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo Wabiga oo is biirsaday.

5/20/2018 7:02 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Magaalooyinka Xeebaha ee Berbera iyo Bullaxaar ayaa la sheegayaa inay biyo badan buux dhaafiyeen magaalooyinka dhexdooda, kuwasi oo galifay inay dadkii ka qaxaan guryahooddii.

5/20/2018 3:56 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Roobab xoog leh oo bilaawday saqdii dhexe ee xalay ayaa wali ka da’aya magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw waxaana lagu soo waramayaa khasaare kala duwan oo ay geysteen roobabkan.

5/20/2018 2:38 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Labada cayaartooy ee kala ah Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jarmalka bal si ay sharxaad uga bixyaan kulan la sheegay in ay la yeesheen madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayib Erdogan.

5/20/2018 2:07 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Wasaaradda Waxbarashada ayaa goor dhaw shaacisay in uu dib u dhacay maanta Imtixaankii shaadiga ee dugsiyada sare oo maalintii shalay la daah furay sababo la xiriira roobab ka da’aya magaalada Muqdisho.

5/20/2018 1:14 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Boqortooyada Saudi Arabia ayaa aqbashay sii deeynta in ka badan 1000 Maxabiis ah oo u dhashay dalka Itoobiya Sabtidii shalay, kaddib booqasho labo cisho ah oo uu dalkaa ku tagay ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.