4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Madaxweyne Biixi oo amaanay dadka reer Puntland


Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay casho sharafeed iyo afur ugu tallogashay in lagu xuso 18 May u samaysay qaybo ka mid ah madaxda Somaliland, waxaana lagu bedelay munaasibadihii madaxtooyadad lagu dhigi jirey ee heesaha iyo Rawaadayaha lagu qaban jirey.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay hadii Soomaaliya diidan tahay xadkii Ingiriisku dhigay ay u dacwooto Un-ta iyo midowga Afrika oo uu sheegay in afriki ku kala socoto xadkiii uu guamystuhu u sameeyey.

“Somaliland waxa ay ku aasaasantay nabad iyo inay dalkeeda horumar, barwaaqo iyo nabad ka samayso oo jaarkeedana nabad kula noolaato, Somaliland ka ugu yar iyo ka ugu weyn caqligoodu waxa uu ku dhisan yahay nabad iyo wax qabsasho, xadka Somaliland annagu ma aanu samayne waa ka ay Afrika oo dhammi ku dhisan tahay ee ku kala socoto, annaguna waxa aanu rabnaa inaanu xadkayagii nabad ku tagno, dalkayagana nabad ku maamulno, dawladda Soomaaliya ee diiddan xadkii Afrika isticmaarku u qaybiyey waxa ay u baahan tahay inaanay annaga kolba nasoo weerarine inay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo midowga Afrika u sheegto inay diideen xeerkii Afrika dhigatay 1963-kii ee ay imika ku shaqayso.”ayuu yidhi Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu fariin u direy Reer Puntland, waxaanu yidhi “ Waxaanu u aragnaa dadka aanu jaarka nahay ee reer puntland dad gob ah oo xariir ah, odhan mayno waa wuxuush iyo waa dugaag ee dad waxgarad ah baanu u naqaanaa, dagaalkaasi la soo qaadayna uma aragno mid faa’iido ku jirto, uma soo socono dhibaatadiina magaaladda Garoowe uma soo socono waa magaalo soomaaliyeed oo camirane alla ha u siyaasiyo, anagu xadkii Somaliland baanu doonayna in aanu nabad ku nimaadno, ciidamdaasi halkoodii joogayaan wixii ku soo duullana way iska celinayaan”

Mar uu ka hadlayey dagaalka u dhexeeya labada beelood ee Ceel-Afweyn waxa uu yidhi “dadkaas dagaalamaya shaydaan baana ka dhex booday, xukuumad ahaanna waxaanu fulinaynaa wax kasta oo ay ku kacayso in nabadda lasoo celiyo, nin kasta oo nabadda ka hor yimaadda waanu la dagaallamaynaa, marka hore waanu u digaynaa, waanu qabanaynaa waanu xidhaynaa, hadduu dagaallomana waanu la dagaallamaynaa oo nabadda waanu ku dagaallamaynaa, ninowna qorigaaga ciidanka haku soo jeedin,”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale, gudoomiyaha Guurtidda, Cali Khaliif Galaydh iyo wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland, dhamaantood waxay ka hadlayeen xuska 18 May.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.