4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Muuse Biixi ‘’ Somaliland duulaan kuma ah shacabka reer Puntland iyo Garoowe

 

Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland oo habeennimadii xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay xuska 18ka May oo ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in marnaba aysan duullaan ku aheyn Puntland iyo magaalada Garoowe.

‘’Annaga waxa aan u socno waa in aan gaarno xudduudaheenna oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya, waxaan leenahay haddii aad diidan tihiin xadkii uu inoo dhigay isticmaarka, waa in aad arintaa kala hadashaan Qaramada Midoobey iyo Africa, ee ma’aha in aad duullaan soo qaadaan’’ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Shacabka reer Puntland ayuu ku amaanay Muuse Biixi in ay yihiin dad nabadeen oo ay ogyihiin sida uu hadalka u dhigay in aysan raali ka aheyn dagaalka Tuka-Raq.

‘’Annaga shacabka reer Puntland duulaan kuma nihin, waa dad nabada jecel, waa dad wanaagsan, waa dad xariir ah, waxaan leeyahay uma socno in aan Garoowe gaarno, uma socno in aan dadkaa barakicinno, waa magaalo camiran, Alle ha u siyaadiyo nabada iyo ganacsigooda’’ ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya xili dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku baaqay in uu sii socon doono dagaalka deegaanka Tuka-Raq isaga oo ku eedeeyay Somaliland in ay ku soo duushay dhulka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]