4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Dad badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay garoonka ku yaalla dalka Afganistan

 

Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Afganistaan ayaa sheegayaa in qarax qasaare dhaliyay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta dalkaasi.

Saraakiisha amaanka Afganistaan ayaa sheegaya in weerar naftii halignimo ah ah lagu qaaday garoon lagu ciyaaro kubadda cagta,kaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 8 ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen 50 kale.

Lama faah faahin weli qasaaraha dhimashada iyo dhaawac halkaasi ka dhashey iyo waxa ay isugu jiraan dadkaasi,waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaalada magaaladaasi Jalalabad.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay magaalada Jalalabad oo ku taala dhanka Bari ee dalkaasi,saqdii Dhexe ee xalay xili halkaasi ay ka socotay ciyaar Kirikit ah sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta dowladda Afganistaan.

Sidoo kale meel bannaanka ka ah garoonkaasi ayaa la sheegay in ay ka dheceen 2 weerar oo kale,kuwaasi oo fuliyay 2 qof oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Dhawaanahan waxaa ka dhacay dalkaasi Afganistaan weeraro kaladuwan ee argagixisanimo,iyadoo dhawaan weerar ka dhacay islamagaaladaasi ay ku dhinteen ilaa 9 qof oo shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]