Labo ruux oo ku dhimatay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Puntland
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Labo ruux ayaa ku
dhimatay qof kalana waa la la’yahay kaddib markii ay la tageen daadad ka
dhashay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaannada
Puntland.
Labada qof ee dhimatay ayaa la sheegay in ay ka
mid ahaayeen ruux oo la soctay gaari ka anbabaxay magaalada Boosaaso kuwaa oo
markii ay marayeen tog lagu magacaabo Yolho gaarigii ay la socdeen uu la tagay
daadka, taasoo keentay in labada ruux ay halkaa ku geeriyoodaan, halka qof kalana lagu la’yahay togga.
Roobabkan ayaa ka dhashay duufaanno maalmihii ugu
danbeeyayba la sii saadaalinayay oo la sheegay in ay ku dhufanayaan deegaanno
dhaca Puntland iyo Somaliland, sidoo kalana waxaa laga cabsi qabaa in ay
dabeyshan ku dhufato qeybo ka mid ah dalka Djabuuti.
Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb
ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida
ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay
One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.
Roobabka ayaa xalay ilaa saakay siweyn uga da’ay
deegaanno ka tirsan Puntland kuwaa oo sababay in ay biyo badan ku fatahaan dhulka ay roobabkan ka da’ayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]