4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Cabdiwali Gaas oo booqday Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tuka-Raq

 

Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isbitaalka Garoowe ku booqdey Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukaraq.

Waxaa Gaas booqashadiisa ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiiru dowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Dhaawaca ciidamada Puntland ee madaxweyne Gaas uu ku booqdey isbitaalka ayaa waxaa ay ahaayeen Askartii ka qeybqaadatay iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Waxaa uu ku booriyay ciidamada in ay ogadaan sida uu hadalka u dhigay in ay difaacayeen dhulkeeda, islamarahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa ah, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda.

Madaxweyne Gaas ayaa maalintii shalay ku goodiyay in uu sii socon doono dagaalka gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tuka Raq ee u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]