4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2018
Madaxweyne Gaas: Puntland waxay diyaar u tahay in ay dalkeeda difaacdo [DAAWO]

Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Baydhabo ayaa ka hadlayo arimo kala duwan.

Ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay shirkii Baydhabo oo uu xusay in arimo muhiim ah ay kasoo baxeen.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay xiisadaha ka aloosan gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq, isagoo xusay in Somaliland ay kusoo duushay dhul aysan lahayn ayna iska difaaci doonaan.


Halkan ka daawo shirka jaraa'id ee Madaxweynaha Puntland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.