4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2018
Kuuriyada Koonfurteed oo ka shaqeneysa wada hadal dhaxmara Trump iyo Kim Jong-un

 

Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) –Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa riixeysa sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka la qorsheeyay in uu bisha soo socota dalka Singapore ku dhexmaro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kuuriyada Waqooyi ayaa arbacadi ka digtay in ay ka baaqan doonto kulanka, haddii Mareykanka uu ku adkeysto dalabkiisa ah in Pyongyang ay burburiso gabi ahaanba hubkeeda nuclear-ka.

Bayaan maanta kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koofureed, ayaa lagu sheegay in ay xukuumadda Seoul si dhaw wada shaqeyn arrintani ugala sameyneyso Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, si loo xaqiijiyo in uu qabsoomo shirka Trump iyo Kim.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kuuriyada Koofureed, Kim Kye Gwan ayaa shalay sheegay in dowladiisu ay dib uga fakari doonto ka qeybgalka shirka la qorsheeyay in 12-ka June uu ka dhaco dalka Singapore, haddii Mareykanka uu sii wado dalabkiisa ah in Pyongyang ay isaga baxdo barnaamijkeeda Nuclear-ka.

Madaxweyne Trump ayaa isna Arbacadi sheegay in Mareykanka uu wali ku adkeysanayo sidii Kuuriyada Waqooyi loogu sameyn lahaa hub-ka-dhigis dhinaca nuclear-ka ah.\

VOA