FAO : Duufaan ku soo fool leh qeybo ka mid ah Soomaaliya
Khamiis, May, 17,
2018 (HOL)–Waxaa soo baxaya durbaba digniinno la xiriira duufaan lagu
magacaabo ONE oo la sheegay in ay ku soo
fool leedahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobollada
Waqooyi Galbeed iyo Bari.
Sida ay sheegtay hay’adda
Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO duufaanta ayaa ka soo
kici doonta Badweynta Hidiya.
Sida ay saadaashu
tahay dabeyshan ama duufaantan ayaa marka hore ku dhufan doonta deegaanno ka
tirsan Puntland, iyadoo marka danbe ku sii faa’fi doonta dhinaca Somaliland.
Waxaa ay ku baaqday hay’addu in ay dadku daxadir
badan sameeyaan, madaama laga yaabo in duufantan geysato bur bur xoog leh.
Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas
ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay'adda cunnada iyo beeraha u
qaabilsan ee Qaramada Midoobay.
Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa
haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab
mahiigaanno ah oo da'ay.
Bishii Nofembar ee 2013kii ayeey ahayd markii ay
duufaan wax-yeelo baaxad leh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la
sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le'deen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]