Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland oo si wada jir ah uga hadlay dagaalkii Tuko-raq
Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Saddexda
xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa maanta si wada jir ah eedeen usoo jeediyey
ciidamada Puntland oo ay sheegeen inay weerareen ciidanka Somaliland.
Saddexda xisbi ayaa sheegay inay taageerayaan
ciidamada Somaliland ee jiida hore, waxaana dagaalkaasi shalay dhacay ku
eedeeyeen dawlada Soomaaliya inay ka dambaysay.
“Saddexda xisbi qaran hadaanu nahay waxaanu
muujinaynaa in aanu meel uga soo wada jeesanay gardarada qaawan ee
ciidamadda dawlada Soomaaliya kula kacay ciidanka Somaliland, aad baan uga
xunahay in dhiig shifo sharci daro ah loo daadiyo”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga
WADDDANI Ibraahim Mahdi Buubaa .
Sidoo kale, gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga
UCID Maxamuud Cali Jiir ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay gardaro lagu soo qaaday
ciidanka Somaliland, waxaanu yidhi “Ma doonayno in Dadweynaha reer Garoowe
qaxaan, laakiin hadii mar dambe gaadmo iyo gardaro ku soo qaadaan ciidamada
Somliland ee jiida hore in ciidanku dhaqaaqi doono, wuu tagi doonaaomeelaha
laga soo abaabulay”.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga taladda haya ee
KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa isna sheegay in dagaalkaasi gardaro ahaa,isla
markaana dhawr iyo labaatan jeer ku soo qaadeen Ciidamada Somaliland.
Dagaalkii shalay ka dhacay Tuko raq ayaa la
sheegay in khasaaro badan dhaliyey, balse labada dhinac midkooda faahfaahin
kama bixin dhibaatadda rasmiga ah ee halkaasi ka dhacay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.