4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Xiisad colaadeed oo wali ka jirta Aaga deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Rasaas aan badneyn ayaa wali laga maqlayaa Aagaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo maalintii shalay ku dagaalamay deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool.

Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in mar labada ciidan isku adeegsadeen hub culus, hasse ahaatee wixii ka danbeeyay salaadii subax ee saakay xaaladu u muuqatay mid degan, waloow wali dhinacyadu is hor fadhiyaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan gurmadyo ciidan oo soo kala gaaray dhinacyada iska soo horjeeda, mar walba waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dagaal leysku fara-saaro dhulka lagu muransan yahay.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay dhacay oo ay ku nafwaayeen tiro ka badan 30 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]