4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaalaha, Ganacsiga iyo waxbarashada

 

Talaado, May. 15, 2018 (HOL) - Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

"Waxa aan Ankara kula kulmay Ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga", ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh dawladda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]