4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Warar dheeraad ah dagaalka xiligan ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool

 

Talaado, May. 15, 2018 (HOL) – Subaxnimadii hore ee saakay ayaa dagaal laysku adeegsanayo hubka waaweyn uu ka bilaawday deegaanka Tukaraq oo Laascaanood Bari uga beegan 52Km.

Dagaalkan oo ka soconaya dhinacyo badan ayaa dad ku sugan deegaanka Tukaraq waxaa ay Hiiraan Online u sheegeen in wali duqaymaha madaafiicda iyo qoryaha lidka diyaaradaha laga maqlayo halkaa.

"Ma sheegi karayo wax dhacay waxaan keliya oo kuu sheegi karaa in dagaal socdo welina wax is-bedel ah oo muuqdaa ma jiro, waxaase jira cabsi naga haysa dagaalka sidaa waxaa sheegay qof ka tirsan dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cali Jaamac.

Magaalada Laascaanood oo maanta uu ka dhici lahayd dabaaldega 18May ayaa laga cabsi qabaa in uu saameeyo dagaalka.

Seynab Cabdi Warsame

Laascaanood g. Sool

[email protected]