Talaado, May. 15, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhaw uu dagaal culus dib uga qarxay deegaanka Tuka-Raq oo bilihii ugu danbeeyayba ay ka jirtay xiisad coladeed oo u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland.
Dad ku sugan deegaanno aan ka fogeyn halka lagu dagaalamayo ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan hub culus oo ay is waadarsanayaan ciidamada Soomaaliland iyo Puntland oo isku haya gacan ku heynta deegaanka.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dib uga qarxay Tuka-Raq, hasse ahaatee dagaallo horay uga dhacay halkaa ay sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wixii war ah ee ku soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]