4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda gobolka Hiiraan

 

Talaado, May. 15, 2018 (HOL) – Dagaal markiisii hore ku bilaawday Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah laakiin markii danbe ay ku biireen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Nuur Maxamed Absuge oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan gobolka Hiiraan sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay lagu dilay tiro dhowr ah oo ka tirsan xoogga Al-shabaab, isaga oo dhinaca kalana sheegay in ay ka furteen u badan qoryaha fudud.

‘’Dagaalladan waxaa ay ka socdaan deegaannada Xafooley iyo Aadan Yabaal oo hoostaga gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexex, markii hore dagaalladu waxaa ay dhaxmarayeen dadka deegaanka iyo Al-shabaab, hasse ahaatee waxaa markii danbe ku biiray ciidamada dowladda oo gacan siinaya dadka deegaanka ayuu yiri ‘’ Nuur Absuge.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in deegaanno dhowr ah oo ay kala wareegeen Al-shabaab hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda dhinca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo la xiriira dagaallada la sheegay in ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]