Wararkii ugu danbeeyay shirka madaxda dowlad gobolleedyada ee ka socda Baydhabo
Isniin, May, 14,
2018 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya shir
halkaa maanta uga furmay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya.
Kulanka ugu horeyn waxaa furay Madaxweynaha
dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana
shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland
C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.
Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka
shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad
goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u
xiran yahay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in guddiyo farsamo oo
ka kala socda dowlad gobolleedayda xiligan u fadhiyaan diyaarinta war
murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u
taabanayaan.
Shirka ayaa imanay xili uu jiro khilaaf mar kale
ka dhax oogan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada ku
shirsan Baydhabo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]