Mareykanka oo maanta Isniin ah safaarad ka furanaya Qudus
Isniin, May, 14,
2018 (HOL) – Mareykanka ayaa sidii oo horay uga dhawaaqay Donald Trump ayaa
maanta u raraya saafaradiisa Talviiv magaalada Qudus ee dhulka Falastiiyiinta.
Tiro badan oo dadka reer Falastiin ah ayaa maanta
isugu soo baxay magaalada Qudus oo maanta lagu wado in uu safaarad ka furto
Mareykanka,waloow ay jiraan muran ku aadan tallaabadaasi uu qaaday madaxweyne
Donald Trump.
Madaxda Israa’iil ayaa ku faraxsan furitaanka
Safaaraddaasi ,halka dadka reer Falastiin iyo guud ahaan Madaxda Islaamka ay
cambareeyeen qorshaha Qudus loogu aqoonsanayo caasimad ay leeyihiin dadka
Yuhuudda..
Xaflad lagu maamuusayo furitaanka safaaradda ayaa
socota,waxaana la xaqiijiyay in dalal badan oo Yurub ah ay diideen ka qeybgalka
xafladdaasi.
Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa maanta oo
Isnin ah ka qeybgalaya xafladda furitaanka,xunahaas ka qeyb-galaya waxaa kujira
gabadha uu dhalay Trump iyo Seygeeda.
Go’aanka Trump ee safaaradda Mareykanka uu uga
soo raray Talviv,waxa uu caro ku abuurtay dadka reer Falastiin iyo guud ahaan
shacuubta Caalamka Islaamka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]