3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Heshiis laga gaaray colaad labo beellood ku dhaxmartey gobolka Sanaag

 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Gobolka Sanaag wararka ka imanaya ayaa sheegaya in heshiis buuxa laga gaaray colaad muddo dheer u dhaxeysa labo beellood.

Dhinacyada ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen qofkii lagu helo dambi ah in uu geystay dil aargoosi ah la dilo ama laga qaado qoyska uu danbiilaha ka soo jeedo laga qaado $ 100 Kun oo dollar.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa isku howlay dhameynta khilaafka labada beellood.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la joojiyo dagaalada mararka qaar dhaca ee saameynta khasaaraha leh u geystay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qofkii lagu helo isaga abaabulaya dagaal ciidamadu amar ku qabaan in ay soo qaabtaan, kadibna la horgeyn doono maxkamada militariga.

Todobaadydii ugu danbeeyayba deegaanka Dirir Weyne ee hoostaga degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo saameeyay dadka degaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/19/2018 3:22 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Feysal Cabdullaahi Cumar oo 16 sano jir ku dhaqan degmada Jowhar ayaa iska diidey sida uu hadalka u dhigay xilka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Gambole ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida uu hadalka u dhigay uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

3/19/2018 2:15 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Caawa abaare salaaddii maqri kadib ayay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

3/19/2018 10:20 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Inta la og-yahay Labo Ruux oo ka mid ahaa 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

3/19/2018 9:50 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii muddo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

3/19/2018 9:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)- Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/19/2018 5:15 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Jaaliyadda Gobolka Gedo ee magaladda Columbus Ohio ayaa maanta taageero u muujiyay wada hadalada dhinacyada Mandheera iyo Beledxaawo oo dhawaanahan ay xiisado xaduud kala xirashaa u dhaxaysay waxayna wada hadalada xiligan ah ku tilmaameen kuwo lagama maarmaan u ah bulshada labada dhan.

3/19/2018 5:02 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon sida shixnad ganacsi ay ku gubaneyso agagaarka Dekeda.

3/19/2018 1:55 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

3/19/2018 1:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dab khasaare xoogan geystay oo ka kacey guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa oo sababay geerida Hooyo Soomaaliyeed iyo 5 Carruur ah oo ay dhashay.

3/19/2018 1:27 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cimaan Jawaari ayaa xalay kulan gaar ah la qaatey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen Khilaafka ka dhashay Mooshinka iyo sidii loo wajihi lahaa.