4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Ciidamo la wareegay xarunta Golaha Shacabka

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw la wareegay xarunta Golaha Shacabka sida uu Hiiraan Online u sheegay goor dhaw Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Xog-hayaha ayaa inoo sheegey in aan lagu soo wargalin ciidamada cusub ee la geeyay xarunta gollaha shacabka, isaga oo intaa ku daray in xarunta laga qaaday ciidamo Booliis ah oo si gaar ah mas’uul uga ahaa ilaalinta xarunta iyo xildhibaannada Golaha Shacabka intaba.

‘’Baarlamaanku ciidamo gaar ah oo Booliis ah ayuu leeyahay, ciidamada cusub ee la geeyay xarunta Golaha Shacabka ma’aha ciidamo nalagu soo war-galiyay ama Annagu aan dalbaney, ayuu yiri’’ Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Mar aan wax aan ka weydiinay bal in maalinta Beri ah uu qabsoomayo kulankii baarlamaanka, ayuu yiri’’ Mar haddii ay xaaladu sidan tahay kulan ma jiro ayeey noqon kartaa, waayo xasarad ayaa kacsan oo xaruntiiba ciidamo ayaa la geeyay, marka kulan ma jirayo.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa wali siweyn ugu kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari, inkastoo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka uu sheegay in hab sharci ah uu ku buray mooshinka oo waayay sida ay hadalka u dhigeen tiradii loo baahnaa in uu ku dhaqan-galo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]