4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Muuse Biixi oo la kulmay ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha dalka Imaaraadka

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulan kula yeeshay magaalada Abu Dhabi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Imaaraadka Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansoor Bin Zayed.

Labada masuul ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland, xilli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Dekada Berbera.

“Kulankeena waxaa uu ahaa mid an uga wadahadalnay wadasha-qeynta labadeena iyo sidii loo xoojin lahaa oo ujeedka safarkeena ee Imaaraadka uu ku qotomay, waxaana uu ku dhamaaday isf-afgarad” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Booqashada madaxweynaha Somaliland ayaa imaneysa xili kaddib go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu dalka kaga mamnuucay shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi ku jira, iyadoo la rumeysan yahay in arrimaha socda ay qeyb ka yihiin xiisada Khaliijka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]