3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Xildhibaanno ka hor yimid go’aankii guddiga joogtada uu ku laaley mooshinka

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa arin sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii guddiga joogtada ee baarlamaanka uu ku laaley mooshinkii laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari.

Qodobada xildhibaanadan ay ku eedeeyeen Guddoomiye (Jawaari) waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa sheegy in looga baahan yahay guud ahaanba baarlamaanka ku dhaqan sharciga iyo dastuurka dalka, isaga oo go’aankii guddiga joogtada ee Baarlamaanka ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Waxaa sidoo kale isagana warbaahinta la hadlay Xildhibaan Cabdi Cali oo sheegay in Jawaari uusan shir guddoomin karin kulamada baarlamaanta inta go’aanka laga gaarayo mooshinka laga keenay.

“Guddi joogtana go’aan kama gaari karaan Mooshinka, Jawaari-na Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta Mooshinka yaalla go’aan laga gaarayo, ” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

Madaxda ugu sareysa dalka wali kama aysan hadal khilaafka soo kala dhaxgalay baarlamaanka Soomaaliya oo ah hay’adda ugu sareysa ee sharci dajinta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/15/2018 11:55 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan Magaalada Jowhar ee xarunta dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta iyo taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

3/15/2018 11:12 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2017 (HOL)-Dadweynaha ku nool goboladda Somaliland ayaa maanta iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan madaxweynaha Somaliland iyo heshiishka Saddex geesoodka ee dekadda Berbera.

3/15/2018 8:24 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in shirkadda DP World aysan dalka Soomaaliya ka howlgali karin.

3/15/2018 7:38 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa oo uu shir gudoomiyaha madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa diiradda lagu saaray....

3/15/2018 6:51 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulan kula yeeshay magaalada Abu Dhabi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Imaaraadka Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansoor Bin Zayed.

3/15/2018 6:48 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Wareegto kasoo baxay maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa looga mamnuucay shacabka ku dhaqan degmadaasi, gaar ahaan lamaaneyaasha doonaya in ay is guursadaan in maharkooda aysan ku qabsan Karin xaafadaha oo ay yimaadaan...

3/15/2018 5:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)-Waa kulankii labaad ee xildhibaannada Aqalka sare Kalfadhigoodii saddexaad, waxaana jooga oo fadhiya kulanka kooromkii loogu tala-galay.

3/15/2018 5:35 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)-Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa shalay bulshada Soomaalida ka dalbaday in la wadagaan macluumaadka la xiriira dhinaca Amniga.

3/15/2018 3:06 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)-Iyadoo aad moodo in uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari, ayaa waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedinayo Xukuumadda Soomaaliya oo la xiriira kala qeybsanaanta baarlamaanka.

3/15/2018 1:35 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)-Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashay dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.

3/15/2018 1:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu sharci yahay mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari, sidaana uu ku dhaqan galay.