4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo kulan deg deg ah yeelanaya

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) - Iyadoo uu soconayo olole xoog leh oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay mooshin ka gudbiyeen tiro ka badan 100 xildhibaan, ayaa dhinaca kale saacadaha soo socda la filayaa in kulan deg deg ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka.,

Kulanka Guddiga Joogtada ayaa la sheegay in looga hadli doono sida laga yeelayo Mooshinka laga keenay Jawaari, waxaana Guddiga ka arrinsan doonaa in mooshinka loo gudbayo Baarlamaanka iyo in kale, iyadoo ay u baahan tahay in marka hore uu isku raaco.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu kulamo gooni gooni ah la leeyahay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka saxiixay ayaa ku eedeeyay guddoomiye Jawaari uu golaha baarlamaanka Soomaaliya uu dhigey sida uu hadalka u yiri ''Madal uu isaga gaar u leeyahay'' sidaa daraadeed xildhibaannadu go'aan ku gaareen in ay kalsoonida kala noqdaan.

Mooshinkan laga keenay guddoomiye Jawaari oo ah mid aan horeyba loo fileyn, ayaa imanaya xili dhinaca kale dowladda Soomaaliya ku howlan tahay xiisada ka dhalatay arinta heshiiskii dekedda Berbera.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]