3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Wasaaradda Waxbarashada oo heshiis la saxiixatay gobolka Banaadir

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka qeybgalay munaasabad ay heshiis kula saxiixanayeen maamulka gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa munaasabada ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow.

Heshiiskan ayaa dhigaya in maamulka gobolka Benaadir lagu wareejiyo gacan ku heynta iskuulka 15ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Benaadir xiigii Kacaankii haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey.

“Iskuulkan waxaa uu ka mid ahaa goobihii ku tilmaamnaa waxbarashada asasaasiga oo haatan aan ku dadaaleyno sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn, gaar ahaan in aan soo celinno fursadaha waxbarashada bilaashka ah ee tacliinta asaasiga.”

Yariisoow waxaa uu sheegay in la qorsheynayey in sannad dugsiyeedkan lagu bilaabo furitaanka dugsiga 15ka May 60 arday oo kaliya, balse muddada saddexda todobaad ah ee uu furanyahay la diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 600 oo arday, taas oo ka tarjumeysa baahida loo qabo dib u soo nooleynta tacliinta bilaashka ah ee ay ku tiirsanyihiin qooysaska danyarta ah.

Waxaa uu uga mahad celiyay dawladda Masar kaalinta ay ka qaadatay dib u furitaanka dugsigan, isagoona ugu baaqay in ay soo kordhiyaan tirada macalimiinta haatan wax ka dhiga dugsigan si loo buuxiyo baahida ay sababtay tirada ardayda dheeraadka ah ee la diiwaan geliyey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/14/2018 12:30 PM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay mooshin ay ka soo gudbiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada baarlamaanka, isaga oo dhinaca kalana sheegay in Mooshinkii laga keenay uu buray.

3/14/2018 12:11 PM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu ku buray dhinaca sharciga, madaama xildhibaannadu buuxin waayeen tiradii loo baahna.

3/14/2018 9:52 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Xildhibaannada Aqalka sare ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii ay kula tageen kulan muddo dheer qaatey oo looga dooddayay go’aanka Aqalka sare uu ka qaadanayo Xeerkii maalin ka hor xildhibaannada Golaha shacabka isku raaceen ee ka dhanka ahaa shirkadda DP World.

3/14/2018 9:30 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)–Bishii August ee sanadkii hore ee 2017, ayeey aheyd markii weerar bambaano loo geystay Masjid ku yaalla gobolka Minnisota oo lagu magacaabo Daarul Faaruuq.

3/14/2018 7:02 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)–Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay mooshin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/14/2018 4:49 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) - Iyadoo uu soconayo olole xoog leh oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay mooshin ka gudbiyeen tiro ka badan 100 xildhibaan, ayaa dhinaca kale saacadaha soo socda la filayaa in kulan deg deg ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka.,

3/14/2018 4:30 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo maanta soo gaaray qeybtii saddexaad maxaabiis laga keenay dalka, kuwaa oo soo deyntooda dadaal dheeraad ah u ku bixisay dowladda Soomaaliya.

3/14/2018 2:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa maamul goboleedyada Soomaaliya ugu Baaqay in ay kordhiyaan Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

3/14/2018 1:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Dudumaale oo 30-KM u jira degmada Xudur.

3/14/2018 1:11 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

3/14/2018 12:59 AM EST
Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Mudanayaasha golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa lagu wadaa in fadhigooda ay maanta uga doodaan xeerkii maalin ka hor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.