4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Aqalka sare oo maanta dood ka yeelanaya arinta shirkadda DP World

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)- Mudanayaasha golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa lagu wadaa in fadhigooda ay maanta uga doodaan xeerkii maalin ka hor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Fahidhigoodii maalintii shaley ayeey u suurtagalin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World.

Xeerkan ayaa haddii ay meel mariyaan Xildhibaannada Aqalka sare waxaa uu u gudbi doonaan madaxweyaha Soomaaliya madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]