4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Shacabka Buula-burte oo Afar sano kaddib u dabaal degay markii laga saaray Al-shabaab


Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – 13kii Maarso Afar sano ka hor maanta oo kaliye ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ka saareen degmada Buula-burte Ururka Al-shabaab oo muddo dheer gacanta ku hayay maamulkeeda.

Munaasabad arintaa loogu dabaal-degayay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Buula-burte, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM, odayaasha dhaqanka, haween iyo dhalinyaro ah.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte Cabdi Daahir Guure oo bulshada la hadlay ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada.

Col Cismaan Dubad oo ka mid ah saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in Afar sano kaddib uu arkayo in ciidamada dowladda Soomaaliya ku filan yihiin dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

‘’Waxaan is leeyahay Afar Sano kaddib ciidamada dowladda isku filnaasho ayeey gaareen, mar haddii AMISOM ay ku sugan yihiin magaalooyinka Waaweyn ee dalka, inta soo hartay ciidamada dowladda waxaa is leeyahay waa ka howlgali karaan’’ ayuu yiri Cismaan Dubad.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynta Cismaan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka shaqeyn doonaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka ay wali ku sii harsan yihiin.

Laakiin qeybaha bulshada qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeynaya maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe intaba in wali degmada Buula-burte aysan ka fulin balanqaadyadii ay horay ugu sameeyeen, gaar ahaan in laga shaqeyn doono sidii leysugu furi lahaa degmada iyo deegaannada kale ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]