4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Donald Trump oo shaqadii ka eryay Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda Rex Tillerson

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku shaaciyay in Mike Pompeo oo ahaa Madaxii CIA-da uu u magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana uu qaban doono howlo cajiib ah.

Donald Trump ayaa uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Mr Tillerson, mudadii sanadka aheyd uu hayay xilka Xog-hayaha Arrimaja Dibadda Mareykanka

Sidoo kale waxaa uu xilka CIA-da uu u magacaabay Gina Haspel oo noqon doonta Haweeneydii u horeysay ee xilka CIA loo magacaabo.

Xil ka qaadista Mr Rex Tillerson ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo dhowaan uu soo gabagabeeyay booqasho uu ku kala bixinayay dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]