4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Trump oo ka laabtay baaqiisa kordhinta da`da hubka lagu iibsan karo

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee joojinta toogashooyinka iskuulka ee uu mararka badan ka hadlay kumay jirin in kor loo qaado da’da qofka gadan kara hubka oo la gaarsiiyo ilaa 21.

Balse wuxuu ku adkeysanayaa soo jeedintiisa muranka badan dhalisay ee ahayd in la tababaro shaqaalaha iskuullada.

Maxadaxweynaha ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in aysan jirin taageero siyaasadeed oo kor loogu qaado da’da ugu yar ee iibka hubka.

Dadka Mareykanka waxaa loo oggol yahay in ay qoryo iibsan karaan marka qofku uu gaaro 18 jir, halka loo oggol yahay qofka 21 jir ka ah in uu bastoolad qaadan karo sida uu u oggolaanayo xeerka federaalku.

Aqalka cad ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa habeenkii Axadda, kaddib weerar lagu qaaday dugsiga sare ee Marjory Stoneman Douglas ee ku yaal Parkland, Florida, 14kii bishii Febraayo.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa qeexay qorshaha maalintii Axadda in uu yahay fulinta talo soo jeedintii madaxweynaha ee ahayd in tallaabo la qaado kaddib dhacdadii Parkland.

Aqalka Cad ayaa sheegay si nabad gelyada iskuullada loo ilaaliyo in guddi heer federaal ah ay qiimeyn ku samayn doonaan arrinta da’da hubka lagu qaadan karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]