4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Ciidamada Amaanka dalka Masar oo xiray dhalinyaro Soomaaliyeed

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)-Ciidamada Amniga dalka Masar ayaa xirxiray dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhalinyaro Soomaaliyeed, kaddib howlgal ay ka sameeyeen qeybo ka id ah xaafadaha degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.

Sida ay xaqiijiyeen Jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Qaahira ciidamada Amniga oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay maqaaxida Soomaalida iyaga oo dadka weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalkaasi, waxayna soo xireen 17 dhalinyaro Soomaali ah.

Soomaalida la xir xiray waxaa ku jira wiil asalkiisa uu Soomaali yahay balse heysta dhalashada dalka Mareykanka, waxaana socda dadaalo lagu soo deynayo dhalinyaradan.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar.

Bilihii ugu dambeeyay Dowladda Masar ayaa bilowday in ay xabsiyada dhigto ajaanibta dalkeeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha dalkaasi.

Sanadkii tagay 2017 dalka Masar waxaa lagu xir xiray Soomaali Boqolaal gaareysa, xilliyo kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray Arday, Qaxooti iyo dad kale oo caadi ah, waxaana Soomaaliya loo soo tarxiilay dadkii sida caadiga ahaa u joogay dalkaasi.

In ka badan 5,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Masar, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u jooga halkaasi, kuna heysta nolol ku filan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]