3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Suldan Garaase "Wafdiga Soomaaliland waxaan u sheegnay in aan wadahadal laga gali karin arrinta Tukaraq

 

Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Maalmahaan waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland hawlo nabadeyn ah u joogey Isimo ka yimid maagaalada Hargeysa, joogitaankoodana aysan saxaafaddu u dhuundaloolin. Isimadaan ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah isimadda Puntland.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimadda Puntland ee la kulmay wafdiga ayaa sheegay inay ku wargeliyeen arrinta Tukaraq inan wada-hadal laga gali karin inta ay ku suganyihiin ciidamada Soomaaliland, wuxuu ka hor-yimid go'aamo nabadeed wafdiga inay kala tageen Garoowe.

"Wafdigan iyagaa noogu yimid Garoowe, markan wareysanay waxay noo sheegeen nabadeyn inay u socdaan.. sidii uu ahaa dhaqanka Soomaalida in maxaabiis la isku celiyo waan soo dhaweynay.. waxaanse u sheegney arrinta Tukaraq wax wadahalka inan laga-gali karin inta ay joogaan ciidanka Soomaaliland." ayuu yiri Suldan Garaase .

Gabagabadii, wuxuu caddeeyay Suldan Garaase xalka xiisada gobolka Sool ee Puntland iyo Soomaaliland inuu ku imaan karo marka ciidamada Soomaaliland ay isaga baxeen illaa deegaan Labida, isagoo marka xaqiijiyay go'aanka isimadda iyo dowladda inuu yahay wadahadal inan la-galin inta ay ciidamada Soomaaliland deegaannada ku suganyihiin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online












Click here
7/16/2018 4:09 PM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah-na Ku-xigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

7/16/2018 9:46 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–War Qoraal ah oo ka soo baxay agaasimaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’adda.

7/16/2018 8:29 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)-Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in shan qodob ka wada hadleen.

7/16/2018 7:04 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Waa isku soo dhawaasho iyo xiriir mar kale dib loo yagleelayo oo dhaxmara labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea oo ka badan 20 sano ay dhax taallay colaad galaafatay nolasha dad badan oo ka soo kala jeeda labada dal, kaddib markii dib boorka looga jafay safaaraddii Eritrea e magaalada Addis Ababa.

7/16/2018 5:15 AM EST
Tartankii Quraanka Kariimka ee Imam Shatiba ee ka socday Masjidka Karmel ayaa la soo gabagabeeyey tartankaan oo soo bilowday bishaan July 7 mar kay aheed

7/16/2018 4:44 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Waxaa goor dhaw magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya iyo wax-yaabihii u qabsoomay dowladda hadda jirta.

7/16/2018 4:09 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa taageero buuxda u muujiyay shirka aayo ka tashiga ee dhawaan ka dhacay deegaanka Gacan libaax

7/16/2018 1:34 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Wefti iskugu jiray madax dhaqameed iyo ganacsato reer Somaliland oo afar cisho joogay Garoowe ayaaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanay ka warbixiyeen ujeedadda safarkoodda oo ay ku sheegeen mid nabadeed.

7/16/2018 12:54 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Columbus Ohio.

7/16/2018 12:26 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka Somali Partnership Forum looga hadlayo xaalada Soomaaliya.