4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Xeradii ciidamada Hiil-weyne oo dib loo howlgalinayo

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u howlgalin doonto xiryihii waaa-weynaa ciidamadu lahaan jireen, gaar ahaan xerada Hiil-Weyne oo ku taala dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xassan oo uu wehliyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay xerada, iyaga oo warbixinno ka dhageystay saraakiil ciidan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dib u howlgelinayaan xarumihii ciidamada ee gobolada dalka, Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan xuquuqda ciidamada dib-na u howlgelinayaan xarumihii ciidamada.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Cabdi Wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay ciidamada caadeystay in ay dhibaateeyaan Shacabka.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyeyaasha ciidamada iyo xubnaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa maalmihii dambe koormeer ay ku sameynayay xarumihii ciidamada ee gobolada dalka iyo duleedka Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]