4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Jubbaland oo lacag ugu badashay Qorigii uu sitay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay


Jimco, July, 13, 2018 (HOL) –Taliska hay’adda Nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Aadan Hudow Cabdi.

Saraakiisha hay’adda nabad-sugida ayaa sheegay in Adan oo ku hubeysan Qoriga AK47 uu u soo gallay maamulka Jubbaland.

Madaxa danbi-baarista maamulka Jubbaland Axmed Muuse Xersi ayaa waxa uu sheegay in Aadan Uudow Cabdi,uu watey qori AK47 ah, islamarkaana ay ku abaal mariyeen lacag maadaama Qorigii uu ku shaqeynayey uu la soo galay Jubbaland.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo abaal-mariyo sarkaal iska soo dhiibay Al-shabaab, waxaana horay sidan oo kale u sameeyay maamulka Koonfur Galbeed oo dhaqaaale lacageed ku abaal-mariyay sarkaal isku soo dhiibay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]