4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Cabdi Maxamuud Cumar : Jabhadaha Mucaaradka waxaan ugu baaqeynaa in ay nabada qaataan

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa u soo jeediyay Ururrada Mucaaradka ah in ay nabada qaataan, iyaga oo ka faa’ideysanaya isbadalka siyaasadeed ee guud ahaan ka hana-qaaday dalka Itoobiya.

Laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in maamulka deegaanka ee uu madaxweynaha ka yahay laga yaabo in ay jiraan qaladaad ay sameeyeen muddadii uu jiray, isaga oo intaa ku daray in dhinacooda ay saxayaan wixii qaladaad ah ee ka dhacay.

‘’ Khaladaadkii horay u dhacay mas'uuliyaddooda waxaa qaadaya xukumadda deegaanka iyo xisbiga talada haya, waxaan cafis weydiisaneynaa Shacabka deegaanka’’ ayuu yiri Cabdi Max’uud Cumar.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa markii loo doortay tallada dalka waxaa uu dalka Itoobiya u jiheeyay dariiq cusub oo nabadeed, isaga oo markii ugu horeysayba ka saaray liiska Argagixisada Ururrada mucaaradka ku ah dowladda Itoobiya oo ONLF ka mid tahay.

"Hoggaanka jabhaddu colaaddii iyo naceybkii hore ee ay sannado badan waddanka u hayeen intey dhinac iska dhigaan, dadaallada nabadeed ee dalka ka socda waa iney qayb ka noqdaan" ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidoo kale yiri’’ Dhammaan maxaabiistii u xirneyd deegaanka ee jabhadda ONLF waa la sii wada daayey, wakhti xaadirkan hal qof oo jabhadda ONLF darteed u xiran ma jiro" ayuu sii raaciyey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]