4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Qodoba laga soo saaray xalinta dagaal beeleedka ka dhaca Deegaanka Ceel-afweyn

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa ka soo saaray go’aanna lagu xoojinayo amniga,isla markaana deegaanka laga dhigayo meel nab-doon. 

Qodobadan oo uu akhriyey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in afar qodob laga soo saaray shirka ka socda Ceel Afweyn.

Waxaana ay kala yihiin afartan qodob sidan:

1. In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay si shaqaaqo dambe u dhicin.

2. In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.

3. In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin ciidamada Qaranka Somaliland iyo 4. In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar
ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida mashaqadaas.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha mucaaradka ah ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,kuwaas oo sheegay inay muhiim tahay in nabadda la ilaaliyo oo dadka walaalo ahi dantoodda gartaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.