3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Gaari Carruur ku jiiray magaalada Muqdisho

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku raadjooga darawalkii watay gaari yar oo kuwa raaxada ah oo Labo Carruur ah ku dilay subaxnimadii hore ee saakay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Wararka ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in Gaarigan oo ay la socdeen Afar ruux uu Caruurtan ku jiiray wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Dad ku sugnaa agagaarka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in gaariga caruurtan dilay uu ka yimid dhinaca Ceel-Gaabta markii uu marayayna aagga UNICEF uu marqura caruurtan oo taagnaa waddada dhinaceeda ku jiiray.

Carruurtan oo da’dooda lagu kala sheegay 14 iyo 9 jir ayaa waqtigaa ku sii jeeday dugsi Qur’aan.

Saraakiisha Booliiska oo tagay goobta uu shilka ka dhacaya ayaa warbaahinta u sheegay in guud ahaan tirada dadka gaariga la socdy gaarayeen ilaa Afar ruux oo Labo ay Dumar ahaayeen, waxaana goobta ka baxsaday Darwalkii gaariga Waday hasse ahaatee waxaa ay Booliisku qabteen dadkii kale ee la socday.

Baaritaan ay sameeyeen ayeey sheegeen Booliisku in ay ogaadeen in dadka gaariga saarnaa ay isticmaaleen maandooriye, taasoo keentay in uu shilkan dhaco.

Shilkan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo kale oo Carruur ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/11/2018 12:40 PM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka.

7/11/2018 10:23 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa ka soo saaray go’aanna lagu xoojinayo amniga,islamarkaana deegaanka laga dhigayo meel nab doon.

7/11/2018 9:34 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wareegto kasoo baxday gudiga dhulka Jubbaland ayaa guud ahaan guryaha aan sharciyeysnayn ee magaalada Kismaayo looga mamnuucay helitaanka adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

7/11/2018 8:16 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

7/11/2018 8:02 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen damaca Itoobiya.

7/11/2018 7:57 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

7/11/2018 2:29 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Xildhbaaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka horgeyn doonaan cabasho ka dhan ah tacadiyada ka jirta Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

7/11/2018 12:39 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.

7/11/2018 12:25 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ayaa saldhigga howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidamada xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalka Brigadier Gen. Matteo Spreafico iyo Gen. Pietro Addis oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dar-dargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.