3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Farmaajo oo Turkiga kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya

 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaan iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxwenihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo tan iyo markii doorashada lagaga guuleystay sanadkii hore dalka dibed joog ka ahaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]

Nairobi, Kenya













Click here
7/10/2018 11:51 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-War Qoraal ah oo soo garay Hiiraan Online ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

7/10/2018 10:41 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

7/10/2018 10:32 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb ka ah shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

7/10/2018 10:31 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Dalkeena Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

7/10/2018 10:13 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Inta la xaqiijinay Labo ruux ayaa ku dhimatay dadka kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliiska Hirshabeelle rasaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

7/10/2018 9:56 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Lix iyo lixdan ergay oo iskugu jira Culimo, madax dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa gaadhay degmadda Ceel Afweyn oo ay ka jirto colaad u dhexeysa laba beelood oo walaalo ahi, taas oo dagaal soo noqnoqday ka dhacay.

7/10/2018 9:48 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lugu wadaa in xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ka-sii daayso inta badan maxaabiista ku xiran.

7/10/2018 1:54 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyay howlgalka midowga Africa AMISOM in ay ku fashilmeen isku furida sida uu hadalka u dhigay Waddada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho.

7/10/2018 1:43 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy oo howlgab noqday.

7/10/2018 1:37 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.

7/10/2018 12:57 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Xoghayaha caafimmaadka ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Boris Johnson.

7/10/2018 12:51 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa uu si adag uga hadlay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay hadda ku shaqeeyaan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaaliya.