3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Gargaar caalami ah oo ku qul qulaya caasimada Muqdisho

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaanada ee la dhigayo Isbitaalada Sudan, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas.

Diyaaradan ayaa waxa ka horeeyay dullimaad ka yimid dalka Mareykanka oo siday deeq dawo ah oo loogu talagalay dadka ay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa.


Sidoo kale shaley waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo caga dhigtay labo duulimaad oo ka kala yimid dalalka Turkiga iyo Jabuuti oo siday dhakhaatiir iyo gargaar dawo ah.

Qaraxii Zoobe ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa oo ku dhawaad muddo 10 sano ah ka dhacay caalamka, iyadoo tirada dhimashada ay ku dhawdahay 300 oo ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/17/2017 9:34 AM EST
Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Gobalka Minneosta ayaa ahaa mid looguna duceynayay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maaalintii sabtida ka dhacay magaalada Muqdishu

10/17/2017 9:07 AM EST
Talaado, Octobar,17, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan la yeeshay gudidda doorashooyinka, saddexda musharaxiin, gudoomiyeyaasha guurtidda iyo Wakiiladda iyo lataliyeyaasha ciidamadda Somaliland.

10/17/2017 7:25 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo looga soo horjeeday weerarkii ka dhacay Muqdisho ee ay ku le'deen boqollaalka qof ee shacabka ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururrada bulshada rayidka ah ee Kismaayo, ayadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen madax ka tirsan Jubbaland.


10/17/2017 6:04 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

10/17/2017 5:33 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Diyaarad sida gargaar dawo ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa goor dhoweyd soo caga dhigatay garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho.

10/17/2017 5:14 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Waxaa isa soo taraya cambaareynta caalamiga ah ee loo soo jeedinaya kuwi ka danbeeyay qaraxi uu dhiiga badani ku daatay ee 14-ki October.

10/17/2017 4:53 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Waa talaabo dhinaca Xawillaada iyo isku gudbinta lacagaha oo horay loo qaaday iyadoo Bankigan Western Union uu noqonayo Bankigii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hergaliyo dalka Soomaaliya marka laga soo tago shirkadaha kale ee Xawaaladaha ka shaqeeya.

10/17/2017 1:24 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Xusseen Axmed Gadiid oo ka mid ah dhakhaatiir ka timid dalka Jabuuti ayaa sheegay in maanta ay ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho gurmad caafimaad oo ay u sameynayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho.

10/17/2017 1:09 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL) –Waxaa soconaya gurmad xooggan oo laga wado goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii todobaadkan ee Isgoyska Zoobe, waxaana soo baxaya shaki laga qabo in ay jiraan dad nool ku hoos jira dhismayaasha bur buray.

10/17/2017 12:52 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga gurmadka deg deg ah oo markiiba ay u fidiyeen dadka ay wax yeellada ka soo gaartay qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

10/17/2017 12:40 AM EST
Talaado, October, 17, 2017 (HOL)- Wareysi kooban oo uu siiyay warbaahinta gudaha ayuu ku sheegay Afhayeenkii wasaaarada Amniga gudaha Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) in uu xilkaa isa casilay.