4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Dowladda Soomaaliya : Wey korartay tirada dhimashada qaraxii Zoobe

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in ay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]