3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe oo dibeda loo qaaday Sawirro


Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Diyaarad militari oo laga leeyahay Turkiga ayaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho kuwaa oo dalka waxba looga qaban waayay xaaladooda caafimaad.

Dadka oo gadiidka gurmad deg deg ah looga qaaday isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhab ahaan lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada la qaaday, balse waxaa la filayaa in ay gaarayaan ku dhawaad 40 ruux.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhaawacyo kale la qaado, iyadoo gurmadka uu yahay mid aan kala go’ laheyn.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa saaka soo gaaray Muqdisho, si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay qaraxa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
10/16/2017 9:34 AM EST
Isniin, Octobar,16, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa shacabkii waxyeeladdu ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay Muqdisho ka tacsiyadaysay eheladii iyo dadkii ku geeriyooday.

10/16/2017 8:08 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka Qaran ayaa ku eedeeyay qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho in ay ka danbeeyaan kooxda Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab aysan sheegan mas’uuliyada Qaraxan.

10/16/2017 7:29 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo mar soo noqday ku-xigeenka hogaamiyaha Ururka Al-shabaab, laakiin sheegay in uu isaga baxay kooxda, ayaa maanta Dhiig ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska.

10/16/2017 7:11 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ka qarxay deegaan u dhexeeya degmada Balcad iyo Afgo0ye.

10/16/2017 5:53 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Somaaliya ayaa maanta booqday xarunta Gurmad Qaran oo loogu talagalay samatabixinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii bishan.

10/16/2017 3:05 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee AirAsia oo ku sii jeeday Indonesia ayaa ku qasbanaatay in ay dib ugu laabato Australia ka dib markii ay duuliyeyaashu sheegeen in ay cilad soo wajahday, sida ay saraakiisha garoomadu sheegeen.

10/16/2017 2:59 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Mashaqadii ka dhacday 14kii bishan Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay in wali qoysaska qaar raadinayaan dad ay Ehel iyo qaraabo dhaw yihiin oo aan war iyo wacaal loo heynin halkii ay ku danbeeyeen.

10/16/2017 2:37 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho diyaarad siday wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan iyo koox dhaqaatiir ah oo la soctay.

10/16/2017 2:14 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) -- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagey goobtii uu ka dhacay qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah magaalada Muqdisho.

10/16/2017 12:23 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) –Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaarto diyaarad caafimaad oo dowladda Turkiga u soo dirtay in lagu qaado dadka qaba dhaawacyada culus ee wax looga qaban waayay gudaha dalka ee wax yeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Sabtidii Isgoyska Zoobe.

10/16/2017 12:10 AM EST
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – War xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay tirada rasmiga ah dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii lagu hoobtay ee maalin ka horka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe ee KM5.