Diyaarad cabsi soo wajahday iyada oo duulimaad ku jirta
Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Diyaarad ay leedahay
shirkadda diyaaradaha ee AirAsia oo ku sii jeeday Indonesia ayaa ku qasbanaatay
in ay dib ugu laabato Australia ka dib markii ay duuliyeyaashu sheegeen in ay
cilad soo wajahday, sida ay saraakiisha garoomadu sheegeen.
Duulimaadkan oo
magaciisu ahaa QZ535, ayaa ku sii jeeday jasiiradda Bali ee dalka Indonesia,
waxayse dib u laabatay markii ay hawada ku sii jirtay 25 daqiiqo Axaddii.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa
Airbus A320, oo ay saarnaayeen 151 ruux ayaa si nabad ah u dagtay garoonka
diyaaradaha ee Perth Airport.
Shirkadda
diyaaradaha ee AirAsia ayaa sheegtay in duulimaadka ay soo wajahday "cilad
farsamo".
Muuqaal laga duubay diyaarad oo ay baahisay warbaahinta
gudaha ayaa muujinaysa qalabka lagu neefsado oo diyaaradda ka laadlaada iyo qof
rakaab ah oo qaylyaya.
War qoraal ah oo
ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay "in ay ka go'antahay"
ammaanka rakaabkooda. Balse faahfaahin kama aysan bixinin ciladda soo wajahday
diyaaradda.
Xigashada Warkan : BBC