4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Qoysas wali ku jahwreersan baadigoobka dad ay Ehel yihiin oo ugu war danbeysay Qaraxii shalay

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) - Qoysas badan oo ku dhaqan caasimada Muqdisho ayaa wali ku jahwareersan xogta iyo halkii ay ku danbeeyay dad Ehel yihiin oo ugu war danbeysan iyaga oo ku sugnaa maalintii shalay Isgoyska Zoobe ka hor inta uusan Qaraxu dhicin.

Kumannaan dadweyne ah ayaa wali ku sugan hareeraha Isgoyska Zoobe kuwaa oo ka codsanaya ciidamada dowladda in loo fasaxo in ay gudaha u gallaan bur burka dhismayaasha soo dumay bal si ay uga baadigoobaan dad wali ka maqan oo nolal iyo geeri mid lagu ogeyn.

Dadka qaar ayaa la sheegay qaraxu dhacay iyaga oo ku sugan gudaha goobahooda ganacsiga, waxaana laga cabsi qabaa in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Sidoo kale waxaa jira dad iyaguna la socday gadiidka dadweynaha oo markaa goobta marayay kuwaa oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen.

Afar gabdhood oo walaalo ah ayaa la sheegay in wali lagu la yahay qaraxii shalay oo aan wali la helin meydkooda, laakiin qof ay qaraabo dhaw yihiin ayaa sheegay in ka hor inta uusan qaraxu dhicin in ay kala soo hadleen Isgoyska Zoobe.

Dadka qaar ayaa rajo ka qaban in ay jirin karaan dad nool oo laakiin ku dhax xayiran dhismayaasha isku dul bur buray hoostooda waloow arrintaa ay noqon karto mid dhif iyo naadir ah.

Qaraxii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku reebay dadka reer Muqdisho saameyn xun oo dhinaca maskaxda ah marka la eego muuqaalka dadka goobta ku geeriyooday oo aan la kala saari karin rag iyo dumar, carruur iyo dad waaweyn midka uu yahay qofka meydka ah ee goobta yaala.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]