4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada Aqalka sare oo baaqday

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha gollaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi iya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in la baajiyay kulan ay lahaayeen gollaha.

Guddoomiyaha ayaa ku sheegay sababta ay u baajiyeen kulanka ayaa sheegay in ay murada iyo dhibta la qeybsanayaan shacabka Soomaaliyeed oo wali la anfariirsan qaraxii shalay.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qaraxa, isaga oo Alle uga baryay inta dhaawaca in uu caafiyo.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka si loo baajiyo dhig dadka shacabka ah oo ay si micno daro ah ay u daadinayaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]