4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo booqday goobtii uu Qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Zoobe


Axad, October, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday goobtii uu qaraxa ka dhacay shalay Isgoyska Zoobe iyo Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmay.

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii shalay, isagoo u rajjeeyay in uu Alle uu bogsiiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goobtii qaraxa ka dhacay kula kulmay dadweyne raadinayay eheladooda, waxaana uu uga tacsiyadeeyay geerida eheladooda, samirna uu alle ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah iyo calanka oo hoos loo dhigay, sidoo kale waxaa uu dadka ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadleysa tirade dhasmiga dadka ku dhintay Qaraxa oo marmarka qaar aad maqleyso in dad ka badan 100 ruux halkaa ku nafwaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]