4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Meydad wali laga soo saarayo dhimayaasha ku bur buray qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) – Wali waxaa ka soconaya Agagaarka halkii uu ka dhacay qaraxii shalay ee Isgoyska Zoobe gurmadka loo fidinayo dadkii ay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa.

Meydadka tiro ka badan 5 ruux ayaa saacadihii hore ee saakay laga soo saaray gudaha dhismayaasha ku bur buray qaraxa oo wali la rumeysan yahay in ay dad kale ku hoos jiraan.

Gawaarida cagaf cagafyada ayaa sidoo kale qodaya guryaha ku bur buray qaraxii shalay, waxaana aad u yar rajada laga qabo in dad nool laga soo saaray dhismayaasha bur buray.

Isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay dad shacab ah oo raadinaya nolal iyo gaari dad ay ehel yihiin oo aan wali la ogeyn halka ay ku danbeeyeen.

Wax yaabaha la yaabka leh ayaa ah in qoysaska qaar dib ugu soo celinayaan isbitaalada meydad ay markii hore ka qaadeen halkaa iyaga oo u heystay dad ay baadigoob ku hayeen, laakiin ay dib ka ogaadeen in aysan aheyn.

Illaa iyo hada waxaa adag in la sheego tiro rasmi ah oo khasaaraha ah, sidoo kale dowladda iyo hey’adaha caafimaadka iyana ma soo bandhigin tirada saxda ah.

Gurmadka ugu badan ee loo baahan yahay ayaa ah dhiig, iyadoo isbitaalada qaar ay ku deeqeen in dadka ku waxyeeloobay qaraxa si lacag la’aan wax loogu qabto.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku deeqay dhiig loo shubay dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]